Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada Daarood oo mowqif ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Boqor.jpg?fit=768%2C512&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka beelaha Daarood oo uu ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan diidmadooda aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay inay siisay Somaliland.

Bayaankan ayaa si adag loogu cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil, taas oo Isimada ay sheegeen inay ka hor imanayso midnimada iyo wadajirka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxay xad-gudub ku tahay qawaaniinta iyo axdiyada Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida dalalka, waxayna hurineysa kala-qaybsanaan iyo xasillooni-darro siyaasadeed, amni, dhaqaale, mid bulsho iyo mid juqraafi siyaasadeedba (geopolitics),” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Isimada ayaa bogaadiyay horumarka iyo dowlad dhiska ay muddada kooban ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Waqooyi Bari, iyagoo wajahaya caqabado siyaasadeed iyo kuwa amni.

“Waxaan boogaadinaynaa kaalinta wanaagsaan ee u hiilinaysa midnimada iyo wadajirka ee madaxda qaranka ee uu horreeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ay ka qaateen taageeridda maamulka curdanka ah ee Waqooyi-Bari.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen xoojinta iyo garab istaagga maamulka Waqooyi Bari, oo ay sheegeen inuu dhiig badan u shubay adkaynta wada jirka midnimada dalka.

Isimada dhaqanka beelaha Daarood ayaa sidoo kale waxay taageereen go’aanka Dowladda Federaalka ee burinta dhammaan heshiisyada lala galay Imaaraadka Carabta kadib markii ay ku xad-gudbeen midnimada, madaxbannaanida dalka, iyo eadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan si buuxda u bogaadinaynaa doorashadii qof iyo cod ee Golaha Deegaanka ee ka dhacday Muqdisho, 25 December 2025, taas oo muujisay: In doorasho isku tashi ah oo qof iyo cod ah lagu hirgelin karo si nabdoon iyo in shacabka u dooran karaan hoggaankooda si daahfuran,” ayaa lagu yiri bayaanka Isimada dhaqanka Daaroo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Haddii doorasho qof iyo cod ah qabsoomi weydo, waxa aan soo jeedinaynaa in kuraasta loo soo celiyo Beelaha Soomaaliyeed sidii dhacday 2012-kii.”

Ugu dambeyntiina, Isimada dhaqanka ayaa waxay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ku adkeeyeen inay si wadajir ah u ilaaliyaan madax-bannaanida, midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed, isla markaana aysan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee gudaha uusan dhaawicin midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

616937983_1477203124407577_9060128398875

615957836_1477203167740906_7587586716529

615544841_1477203281074228_6288727693952

The post Isimada Daarood oo mowqif ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this