Deeq A. Posted 5 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus oo heer wasiir ah u dirtay magaalada Dooxa ee caasimada ee dalka, kaas oo goordhow ka duulay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana qayb ka ah saraakiil kale oo muhiim ah. Xubnahan ayaa ku biiri doono mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan Dooxa, halkaas oo uu ka wado kulamo xasaasi ah oo la qaadanayo madax ka tirsan Qatar. Ujeedka safarka wafuudan ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo la filayo in sii adkeeyaan iskaashigooda, ayna galaan heshiisyo horleh. Shalay ayay ahayd markii wasiir Axme Macallin Fiqi uu Dooxa ku saxiixay heshiis difaac oo ay Soomaalia la gashay dowladd Qatar, iyada oo arrintan kusoo beegmeyso waxyar uun kadib markii dowladdu cayrisay Imaaraadka. Kulamada ayaa sii socon doono, iyada oo socdaalkan wafdiga Soomaaliya uu qaadan doona muddo toddobaad ah, waxaana jiro doono wada-hadallo diiradda lagu saari doono casriyeynta ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka iyo kuwa badda oo waajibaadkooda noqon doono in ay door ka ciyaaraan ilaalinta khayraadka iyo amniga biyaha Soomaaliya. Qadar oo kamid ah dalalka sida dhow u taageera dib u dhiska ciidanka qalabka sida, waxaana mar kale lagu wadaa inay xoojiso taageerada milatari ee dalka. Soomaaliya ayaa haatan dabacsanaan wayn u muujineyso Dooxa, si ay u noqoto beddalka Abu Dubai oo ay kula tageen maalmo kahor, kadib go’aankii Golaha Wasiirada oo lagu burburiyay heshiiyadii horay loola galay Imaaraadka. The post DF Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay Qatar + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites