Sign in to follow this  
Deeq A.

WARBIXIN caalami ah: Maxay Jabuuti uga baqaysaa Aqoonsiga Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin caalami ah oo ay baahisay The Land of Origins ayaa lagu sheegay in aqoonsiga rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland uu si weyn u beddelay muuqaalka siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana uu jebiyey xayndaabkii siyaasadeed ee muddada dheer jiray.

Sidoo kale waxay tilmaantay in tallaabadani ay fure u noqotay albaabo cusub oo dhaqaale iyo amni.

Waxa kale, oo ay tilmaantay The Land of Origins in Jamhuuriyadda Somaliland ay heshay dareen caalami ah oo muhiimad weyn u leh horumarka qadiyadeeda, kadib aqoonsigii taariikhiga ahaa ee ay siisay dawladda Israa’iil, sidoo kalena ay Somaliland soo jiidatay maalgelshi caalami ah oo ku saabsan marinnada ganacsiga ee Dekedda Berbera iyo Badda Cas.

Xilli qoonsigeedu si weyn u beddelay isu-dheelitirka awoodda ee Geeska Afrika. Muuqaalkan, oo cinwaan looga dhigay “Maxay Jabuuti uga baqaysaa aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland” (Why Djibouti Fears Somaliland’s International Recognition), ayaa si qotodheer u sharaxay sida aqoonsigu khatar ugu keeni karo awoodda, dhaqaalaha iyo kaalinta dekedda Jabuuti, isla markaana u yarayn karo ku-tiirsanaanta Itoobiya ee dekeda Jabuuti, iyo sida uu dib ugu qaabayn karo siyaasadda juquraafiyeed ee gobolka.

“Dekedda la aqoonsan yahay ee Berbera waxay xoojinayasaa iskaashiga amniga, dhaqaalaha, siyaasadeedda iyo ka qaybgalka istiraatiijiga ah ee gobolka.

Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland iyo horumarka la gaadhay maaha oo kaliya guul dhaqaale, balse waa isbeddel istiraatiiji ah oo dib u qaabeeynaya siyaasadda, ganacsiga, iyo amniga Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi warbixintan oo ay baahisay The Land of Origins, waxaanay intaasi raacisay “Dekedda Berbera, oo muddo dheer ahayd awood qarsoon, ayaa hadda u muuqata halbowlaha isku xidhka ganacsiga adduunka, iyadoo noqotay xarun horumarineed oo caalami ah, islamarkaana lagu tiirsanaan karo.

Isbeddelkan cusub wuxuu si toos ah u taabanayaa danaha Djibouti, oo muddo dheer ahayd boos muhiim u ah ganacsiga Itoobiya.” Warbixintu waxa kale oo ay intaasi ku dartay in tallaabadan diblumaasiyadeed iyo isbedelka siyaasadeed ee ka curtay gobolku uu welwalka ballaadhan ku abuuray dawladda Djibouti, waxaanay tidhi “Arrintan cusubi waxa uu ku abuuray Djabouti walwalk badan oo ku saabsan dhinaca isbeddelka awoodda, tartanka dekedaha iyo dib u qaabeynta istiraatiijiyadda ee mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan adduunka.

Iyada oo diiradda la saarayo sida dekedaha Somaliland ay u saameynayaan ganacsiga, siyaasadda, iyo amniga Geeska Afrika iyo xaaladaha caalamiga ah.” Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay “Aqoonsiga Somaliland waxa uu galay marxalad cusub oo muujinaya horumar ballaadhan oo si toos ah wax uga bedelaya awoodda ciyaaryahanada Geeska Afrika, kaddib tallaabadii taariikhiga ahayd ee ay Israa’iil sida rasmiga ah ugu aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar 2025.

Taas oo ah waddankii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee ku dhiiradda aqoonsiga Somaliland, go’aanka Israa’iil waxa uu jebiyey xayndaabkii siyaasadeed ee muddada dheer, wuxuuna furay waddooyin cusub oo dhaqaale iyo amni, taasoo keentay dib-u-eegis cusub oo ku saabsan saamaynta istiraatiijiga ah ee dawladaha deriska ah, gaar ahaan Jabuuti.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this