Deeq A. Posted 15 hours ago Qaar ka mid ah madaxda maamulka Waqooyi Bari ayaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada isu mariyay hadallo dadka qaarkii u arkeen kuwo muujinaya khilaaf soo kala dhexgalay Firdhiye iyo Abwaan. Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Cabdirishiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay gabaygii “Sinnaan” ee abwaan Saahid Qamaan Cali, kaas oo ka soo horjeeda kali-talisnimada iyo macangagnimada, islamarkaana muujinaya in ay muhiim tahay talada oo la wadaago. “Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhayRag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusiMasaa in aanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahayeOon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniyeMasallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayoKii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho” ayuu soo xigtay Abwaan. Abwaan waxaa u jawaabtay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Amran Axmed Xasan oo ay isku deegaan ka soo jeedaan waxayna tiri “dowladda curdinka ah buuq uma baahna ninkii culays dareemayow ka sii daa”. Hadalladan waxay ku soo aadeen, xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari ku sugnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo shalay galinkii dambe dib ugu laabtay Muqdisho. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites