Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma khilaaf baa soo kala dhexgalay Firdhiye iyo Abwaan?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000122982-1440x960.jpg

Qaar ka mid ah madaxda maamulka Waqooyi Bari ayaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada isu mariyay hadallo dadka qaarkii u arkeen kuwo muujinaya khilaaf soo kala dhexgalay Firdhiye iyo Abwaan.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Cabdirishiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay gabaygii “Sinnaan” ee abwaan Saahid Qamaan Cali, kaas oo ka soo horjeeda kali-talisnimada iyo macangagnimada, islamarkaana muujinaya in ay muhiim tahay talada oo la wadaago.

Masoow aabbahay iyo waxaan, Magan kasoo gaadhay
Rag waxaan ku maamuli aqaan, amaan ku maamuusi
Masaa in aanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahaye
Oon waliba kaga miil caddahay, miidhse diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho” ayuu soo xigtay Abwaan.

Abwaan waxaa u jawaabtay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Amran Axmed Xasan oo ay isku deegaan ka soo jeedaan waxayna tiri “dowladda curdinka ah buuq uma baahna ninkii culays dareemayow ka sii daa”.

Hadalladan waxay ku soo aadeen, xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari ku sugnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo shalay galinkii dambe dib ugu laabtay Muqdisho.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this