Deeq A. Posted 11 hours ago Wafdi sare oo ay hoggaaminayso safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasamidda Puntland. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa weheliyay safiirka Denmark H.E Steen Sonnen Andersen, safiirka Norway Ms. Merete Dyrud iyo diplomaasiyiin ka socda dalalka Sweden iyo Switzerland. Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay wasiirka qoryshaynta Puntland Daa’uud Bisle iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada. Wafdiga ayaa la sheegay inta ay ku sugan yihiin Garowe in ay kulamo la qaadan doonaan madaxda Puntland, sidoo kale ka qaybgeli doonaan shir ka dhacaya caasimadda oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Puntland. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites