Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000123060-1440x960.jpg

Wafdi sare oo ay hoggaaminayso safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasamidda Puntland.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa weheliyay safiirka Denmark H.E Steen Sonnen Andersen, safiirka Norway Ms. Merete Dyrud iyo diplomaasiyiin ka socda dalalka Sweden iyo Switzerland.

Wafdigan waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay wasiirka qoryshaynta Puntland Daa’uud Bisle iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Wafdiga ayaa la sheegay inta ay ku sugan yihiin Garowe in ay kulamo la qaadan doonaan madaxda Puntland, sidoo kale ka qaybgeli doonaan shir ka dhacaya caasimadda oo looga hadlayo qorshaha horumarinta Puntland.

1000123068-1440x1113.jpg 1000123056-1440x960.jpg 1000123055-1440x960.jpg 1000123059-1-1440x960.jpg 1000123061-1440x960.jpg 1000123062-1440x960.jpg 1000123069-1440x1113.jpg 1000123070-1440x960.jpg 1000123071-1440x960.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this