Deeq A. Posted 7 hours ago Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir wadatashi ah ugu yeertay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay cusuumaad rasmi ah u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Sidoo kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay tilmaantay in shirkaasi uu furmi doono 1-da bisha soo socota ee Febraayo, islamarkaana uu ka dhaci doono magaalada Muqdisho. Xukuumadda Federaalka waxay qabanqaabada shirkaas u xilsaartay wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, iyadoo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay dhankooda soo magacowdaan cid ku matasha qabanqaabada shirka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites