Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Deni oo safar qorsoodi ah ku jooga Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
557590555_1350089823140023_4193285983854

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wadahadallo xasaasi ah u jooga magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Abu Dhabi gaaray laba maalin ka hor, kaddib safar saddex maalmood qaatay oo uu ku soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Safarka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii Dowladda Federaalku ay shaacisay inay laashay heshiisyadii iskaashiga milatari ee ay la lahayd Imaaraadka.

Maamulka Puntland ayaa Isniintii si adag u ganafka ku dhuftay go’aanka Dowladda Federaalka, iyadoo ku tilmaamtay mid “baalmarsan dastuurka”. War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirrada ee Federaalku aysan awood u lahayn inay si keli ah u baabi’iyaan heshiisyo ka howlgala gudaha dowlad-goboleedka iyadoo aan wax wadatashi ah la sameyn, sida uu qabo nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Go’aanka ay shaacisay Dowladda Federaalka ee lagu laalayo heshiisyada horumarinta dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka waa mid waxba kama jiraan ah (null and void),” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland. Waxay intaas ku dareen in dowlad-goboleedyadu ay haysanayaan awoodahooda dastuuriga ah inta laga dhameystirayo nidaamka federaaleynta dalka.

Xiisaddan ayaa saamayn toos ah ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadku ay dhinacyo saddexaad u gudbisay inay qorsheynayso inay faarujiso saldhiggeeda magaalada Boosaaso, balse ay walaac ka qabto cidda buuxin doonta booskaas iyo saameynta ay ku yeelan karto howlgallada lagula dagaallamo kooxda Daacish (IS) ee ku dhuumaaleysata buuraha Bari.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda shuruud uga dhigtay Imaaraadka inuu ka baxo Boosaaso si uu u qaato qalab milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), kuwaas oo ku xayiran garoonka Muqdisho. Tan iyo markii shuruudahan la soo rogay, waxaan garoonka Boosaaso ka degin diyaaradihii ciidanka ee Imaaraadka saddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Puntland ayaa dhaliyay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub. Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyay caasimadda Puntland, kaddib markii Dowladda Federaalku ay diiwaangelisay qaar ka mid ah ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay inuu soo saaray amarro culus oo lagu mamnuucayo in ciidamada Puntland ee iska diiwaangeliyay dowladda dhexe – gaar ahaan kuwii tegay Laascaanood – ay dib ugu soo laabtaan deegaannada Puntland. Sidoo kale, maamulka ayaa bilaabay inuu waaran maxkamadeed u jaro saraakiisha fulisa amarrada kasoo baxa Muqdisho, taas oo sii kordhisay xasaradda siyaasadeed ee dalka.

The post Xog: Deni oo safar qorsoodi ah ku jooga Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this