Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaalka ka dhacay Jabad Godane iyo Shabaab oo kubaareynaya Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamo.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Warsheekh (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dib ugu laabtay barrihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib dagaal culus oo ay halkaas kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran ku qaaday fariisimaha ciidamada ee deegaankaas, waxaana u suurtagashay in ay muddo kooban gacanta ku dhigaan fariisimaha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Militariga, oo dib isu abaabulay, ay weerar rogaalcelin ah ku qaadeen Shabaabkii soo galay dhulkii ay haysteen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku wada sugnaa deegaankan, iyaga oo laba dhinac u kala haystay, qolo kastana ay dhinac ka maamuleysay.

Al-Shabaab ayaa shalay subax weerar ay qaraxyo ku bilowdeen ku qaaday fariisimihii ay ciidamada kaga sugnaayeen deegaankaas, iyadoo ujeedkoodu ahaa in ay si buuxda u qabsadaan Jabad Godane. Ciidamada, oo ka warqabay in Al-Shabaab doonayso in ay jarto waddada xeebta ee xiriirisa Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Muqdisho, ayaa guluf xooggan ku qaaday, dibna ula wareegay fariisimahoodii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaarkood ay u tallaabeen dhinaca kale ee ay Al-Shabaab ka haysatay deegaankaas illaa bishii December, inkastoo ay shalay galab dib uga soo baxeen. Ciidamada ayaa hadda ku sugan fariisimahoodii uu dagaalku ka bilowday, halkaasna difaac ka haya.

Dhanka kale, wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab dhaqdhaqaaq ka wado goobaha ay ka joogto deegaanada Jabad Godane, Shiikh-yaalo iyo Alanley, kuwaas oo hoostaga Degmada Warsheekh, si ay u xaqiijiso in ay isku fidiso dhulka xeebta.

Ciidamada ayaa meelo ka mid ah deegaanadaas ku hortaagan maleeshiyada Al-Shabaab, si aysan ugu soo ballaarin jidka xeebta.

Culeyska ay Al-Shabaab ku hayso Warsheekh waxaa lagu sababeeyaa joogitaankooda deegaanka Xawaadley ee hoostaga Degmada Balcad, kaas oo leh buundo dulmarta Webiga Shabeelle, isla markaana qayb ka ah isku xirka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa 29-kii bishii December la wareegay gacan ku haynta Xawaadley, inkastoo ay saacado ka dib ka soo baxeen, iyadoo aan sababta la ogeyn.

Al-Shabaab ayaa bishii June, dagaal la’aan, kula wareegtay gacan ku haynta deegaanka istiraatiijiga ah, ka dib markii ay ka baxeen Militariga Burundi ee qaybta ka ahaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wax kasta oo ciidamada ka xumaada ama ka khaldama waxay fursado waaweyn u abuuraan Al-Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka ciidanka AUSSOM ee dalka.

Al-Shabaab ayaa hadda raadinaysa meelo ay kaga soo gaarto waddada xeebta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo ah isha ugu weyn ee saadka iyo gurmadkaba ay u maraan ciidamada ka hawlgala deegaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Al-Shabaab waxay adeegsanaysaa qiyaasta dagaalka ee ah in weerarku ka wanaagsan yahay difaaca, iyada oo dhul cusub qabsanaysa, isla markaana leh istiraatiijiyad ay muddo fog ugu sii nagaan karto dhulkii ay hore u maamulaysay.

The post Xogta dagaalka ka dhacay Jabad Godane iyo Shabaab oo kubaareynaya Warsheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this