Deeq A. Posted 23 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka qayb-galay barnaamij dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Fahad Yaasiin oo si adag ua horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa tilmaamay in Cirro uu ictiraafkii la galay meel xun, isla markaana uu xiriir la sameeyay Yahuud oo aan laga fileyn inay cilaaqaad la yeeshaan dad Soomaaliyeed. “35-sano ayay Soomaliland taleefan garaacaysay ugu dambeyn sheydaan ayaa kaqabtay iyaga in laga qabto ayaa u muhiimsanayd waxa ka qabtay waxba kama gelin” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Somaliland uu warqad isku mid ah u diray madaxda dalalka Islaamka iyo Ra’iisul wasaare Netanyahu, taasina ay muujineyso caqiiqdo xumo, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo carrabka ku dhuftay in kaliya uu rabay jawaabta, uuna ka helay Israa’iil oo dhawaan uun ku dhawaaqday inay dal madax banaan u aqoonsatay Somaliland. “Imtixaanka qofka u horreeyo ee ku dhacay waa Cabdiraxmaan Cirro maalin dhaweyd wuxuu yiri waxaan la hadlay Boqor Salmaan, madaxweynaha Turkiga, madaxweynaha Masar iyo Netanyahu wuxuuna yiri Netanayahu ayaa isoo jawaabay hadalkaas macnihiisa ma taqaanaan wax uu rumeyan yahay ma jiraan wuxuu warqad isku mid ah u qorayaa Bin Salman iyo Netanyahu kii uga soo jawaabana wuu qaadanayaa” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Waxaa kale oo uu kusii daray “Wax uu ilaalinaayo ma leh qiyam maleh, caqiido maleh warqadahana wuu iska wada diri meeshaan doonaan ha’isaga dhacaano”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay dhaliil xooggan kala kulantay xiriirka ay la yeelatay Israa’iil, waxaana inta badan ka horyimid ururrada caalamiga ah iyo dalalka saaxibada la’ah Soomaaliya. The post Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Cabdiraxmaan Cirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites