Deeq A. Posted 20 hours ago Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa soo xiray dumar loo haysto kiis xasaasi ah oo hadal-heyn ka abuuray baraha bulshada Soomaalida. Dumarka lasoo xiray ayaa loo haystaa faafinta muuqaallo dhaqan xumo oo kasoo horjeedo Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo akhlaadqda bulshda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta ku dhigay dumar ku eedaysan faafinta dhaqammo xunxun oo si cad uga soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka suubban, akhlaaqda iyo badqabka bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Eedaysanayaashu waxa ay muuqaallo duubeen iyaga oo dagaallamaya, isla markaana ku hadlaya hadallo ka hor imanaya Diinta Islaamka, kuwaas oo dhaawacaya qiyamka iyo anshaxa bulshada”. Sidoo kale, Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanayaashu la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Eedeysanayaasha waxa si degdeg ah loo horgeyn doonaa hay’adaha garsoorka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn Booliska Somaliland ayaa bulshada uga digay falalka noocan oo kale ah ee lidka ku ah Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada guud, wuxuuna adkeeyay cid kasta oo ku kacda falal noocaas ah in lala tiigsan doono sharciga. Si kastaba ha’ahaatee Somaliland ayaa marar badan oo hore deegaannadeeda ku xirtay dad loo haysto anshax xumo, waxaana ugu dambeeyay Dambiile Cumar Maxamed Ibraahim oo lagu helay inuu muuqaallo anshax xumo ah ku faafiyay baraha bulshada, kaas oo horay loogu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 kun oo Shilin Somaliland ah. The post Dumar loo haysto kiis xasasi ah oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites