Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Muqdisho oo soo saaray go’aan ay ku farxeen reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.webp?fit=2560%2C1666&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ay ku farxeen shacabka Muqdisho, kaas oo la xiriira badqabkooda.

Taliska Booliska ayaa maanta wixii ka dambeeya mamnuucay in askarta ay raacaan mootooyinka Fekonta oo maalmihii lasoo dhaafay ay qaati ka taagnaayeen shacabka caasimada, maadaama la bilaabay in lagu dhaco.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay in askarta ku jirta fasaxa ay iyana hub ku dhex qaataan gudaha caasimada, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan Ciidammada  ka tirsan hay’addaha amniga in aan la oggolayn, isla markaana ay mamnuuc tahay in askari hubaysan uu isticmaalo mooto fekon. Sidoo kale, gudaha caasimadda lama oggola in askari hubaysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaasi kusii daray in askarigii ku xadguba amarkan laga qaadi tallaabo adag, isla markaana lasoo xiri doono.

“Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay’addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan” ayaa lasii raaciyay go’aanka.

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay go’aankan, iyaga oo si weyn usoo dhaweeyay.

Maxamed Cabdullahi Raage: “Askarta gaadiidka dowladda ayaa ku filan looma baahno inay raacaan mooto Feykon iyo Bajaj”.

Nasteexo Cali Maxamuud ayaa iyadana ku jawaabtay: ” Mootada Fekon-ta dhammaan hala mamnuuco”.

Shariif Xaaji: ” Waxaas war lee waayey amarka noocan oo kale ah dhowr jeer oo hore ayaad soo saarteen, balse wax fulin ah la idin-kuma arag”.

Saydi Cabdalle Cali: “Maalin kasta dadka markii hantidooda la dhaco post hasoo qorine raggii ummada xolohoodii dhacay keena”.

Osaama Cumar: “Taliye xukunno adag dul dhig tuugada askarta ah mahadsanid”.

Deeq Yare: “Waan taageerayaaa amarkan Allaha idin-la garab galo runtii waan dhibsaday askarta mootada raaca, haddane xabadda waddada ku furta”.

616850880_863613686531548_86630939720983

The post Booliska Muqdisho oo soo saaray go’aan ay ku farxeen reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this