Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo ciidankii ugu badnaa ku diyaarisay Raaskambooni + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Juba.webp?fit=1080%2C720&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowad-goboleedka Jubaland ayaa haatan ciidamo cusub oo dheeraad ah ku diyaarisay gudaha deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo Axaddii shalay ababar loogu soo xiray.

Ciidamadan oo qaatay tababar heer sare ah ayaa kamid noqonaya kuwa nabad-sugidda Jubaland, waxayna ka howlgeli doonaan aagga Badhaadhe.

Agasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye (Bassaam) ayaa soo xiray tababarka, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada cusub inay gutaan waajibaadka ka saaran amniga.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in tababarkan diiradda lagu saaray sare u qaadidda tayada, xirfadda iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Jubaland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in askartan ay qayb ka yihin guutada Hanqadh ee nabad sugidda Jubaland, isaga oo u xusay inay wax badan kusoo kordhin doono taliska.

“Cutubyada tababarkan qaatay ayaa si gaar ah loogu carbiyay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, iyaga oo lagu tababaray farsamooyin casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna xoojinayo awoodda dib-u-soo celinta Degmada Badhaadhe iyo sugidda ammaanka deegaannada hoos yimaada” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubbaland ((JISA)

Ujeedka tababaradan ayaa sidoo kale lagu sheegay kuwa lagu xoojinayo ciidamada amniga, si ay ulaba jibaaraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah

“Waxa ay sidoo kale saldhig u noqonayaan horumar dowladnimo, xasillooni waarta, iyo mustaqbal ammaan ah oo ay helaan shacabka Reer Jubbaland” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Deegaanka Raaskambooni oo hadda ay joogaan ciidamada cusub ee tababarka dhammeystay ayaa lagu xasuustaa dagaalkii cuslaa ee horay ugu dhex-maray dowladda federaalka iyo Jubaland, waxaana tan iyo markaas uu saldhig u ahaa daraawiishta Jubaland, waxaana hadda ku biiriya nabad-sugidda maamulkaas.

615361934_1351465463691818_8879950356458 615431274_1351465367025161_4367064605211 615557822_1351465640358467_5989278595969 615817789_1351465507025147_5115409884497 616431812_1351465877025110_3182571847861 617685098_1351465317025166_2414833711694 Juba.webp?resize=696%2C464&ssl=1 Jubbbaland-askar.webp?resize=696%2C827&s

The post Jubaland oo ciidankii ugu badnaa ku diyaarisay Raaskambooni + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this