Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa la arki doonaa Ismaaciil Cumar Geelle oo bartii Qadaafi ku danbeeya…” Cheif Caaqil Rashiid Jaambiir

Recommended Posts

Deeq A.   

Jiif-caaqil Rashiid Jaambiir oo kamid madaxdhaqameedka Somaliland ayaa shacabka Jabuuti ugu baaqay inay kacaan oo iska rogaan heeryada dulmiga iyo xukunka kalitaliska ah, isaga oo sheegay in Digteetar kaste oo awood dadka ku maamulaa uu ku danbeeyo meel xun.

Jiif-caaqil Jaambiir oo u warramay warbaahinta KF Media ayaa sidoo kale Madaxwaynaha Jabuuti ku eedeeyey inuu ka qadiyey shacabkiisa dhaqaalaha badan ee kasoo galay saldhigyada uu kireeyo,wakhtigana loo baahan yahay in shacabku kacaan oo xukunka ka tuuraan Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaana uu yidhi. “Waxa la arki doonaa Ismaaciil Cumar Geelle oo bartii Qadaafi ku danbeeya, Shacabka Jabuutina waxaan leeyahay waxa la jooga maanta xilligii aad heeryada iska tuuri lahaydeen” Cheif Caaqil Rashiid Jaambiir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this