Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta caalamiga ah ee The Conversation oo warbixin cajiib ah ka qortay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta caalamiga ah ee The Conversation ayaa warbixin ay daabacday ku sheegtay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay talaabo istiraatiiji ah oo muhiimad ballaadhan u leh xoojinta danaha amni ee caalamka, maadaama go’aankani uu si cad uga turjumayo muhiimadda juqraafiyeed ee gobolka Geeska Afrika, Badda Cas iyo Bab el Mandeb, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ganacsi ee ugu muhiimsan adduunka iyo meelaha ugu xasaasisan ee danaha caalamka maanta.

Sidoo kale waxay lagu sheegay warbixintan in aqoonsiga uu qayb weyn ka qaadanayo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya dalalka caalamka iyo quwadaha waaweyn ee danaynaya xasiloonida gobolka, taasoo muhiim u ah ilaalinta maraakiibta ganacsiga caalamiga ah iyo sugidda amniga waddooyinka badda ee istiraatiijiga ah. Warbixintu waxay si qoto dheer u falanqaysay xaaladda guud ee gobolka, iyo muhiimadda istiraatiiji ee Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas “Gobolku wuxuu noqday xudunta tartanka siyaasadeed ee caalamiga ah, iyadoo ay ka jiraan xaalado kala duwan: Somaliland waa dawlad dimuquraadi ah oo bixisa xasilooni siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo dammaanad qaadi kara badqabka waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Sidoo kale gobolka waxaa ka jira dhacdooyin amni iyo dagaallo ka socda Sudan, Yemen, Somalia. Isku dayga Itoobiya ee helitaanka marin badeed.

Tartanka quwado waaweyn sida Shiinaha, Mareykanka, iyo dalal Khaliijka ah, taas ayaana ah sababta ugu weyn ee Somaliland ka dhigaysa bartilmaameed Caalami ah.” Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixinta in aqoonsiga Israa’iil uu sidoo kale saameyn weyn ku leeyahay dawladda Itoobiya oo Somaliland u aragta marin badeed oo muhiim u ah badbaadadeeda, kaas oo si weyn u bedeli kara qaab-dhismeedka ganacsiga badda ee Itoobiya, waxaaba lagu sheegay “Dawladda Itoobiya, oo aan lahayn bad, waxay u aragtaa Somaliland marin badeed oo muhiim u ah badbaadada qarankeeda.

Aqoonsiga Somaliland wuxuu bedeli karaa qaab-dhismeedka ganacsiga badda ee Itoobiya, arrintaas oo ah mid ku xidhan madaxbannaanida Somaliland.” Warbixintu waxay si cad u muujisay isku-xidhnaanta danaha istaraatiijiga ah ee waddamada Israel iyo Imaaraadka Carabta waxaanay tidhi “Israa’iil waxay aqoonsatay Somaliland si ay ula jaanqaado UAE, iyadoo qeyb ka noqoneysa qaab-dhismeedka amni iyo dhaqaalaha ee gobolka iyo Badda Cas. UAE waxay ku leedahay Geeska Afrika saameyn muuqata oo dhinaca dekedaha iyo dhaqaalaha ah.” The Conversation waxa ay tilmaanay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dawlad dimuquraadi ah oo si muuqata uga duwan waddamada kale ee gobolka oo ay ka jiraan xasilooni-darro siyaasadeed, halka Somaliland ay leedahay nidaam siyaasadeed iyo dhaqaale oo si madax banaan, taasina ay ka dhigtay tusaale wanaagsan oo ka dhex ifaya Geeska Afrika.

Warbixinta oo arrintaasi falanqaynaya ayaa lagu idhi “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka duwan wadamada kale ee Geeska Afrika. Tan iyo 1991, Somaliland waxay ahayd qaran Madax-bannaan oo dimuquraadi ah, iyadoo leh dhul qeexan, dad deggan, iyo maamul si buuxda u shaqeeya. Somaliland waxay dhistay hay’ado dowladeed, nidaam sharci, iyo awood maamul oo sugan, taasoo ka dhigtay mid ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale iyo guud ahaan waddamada deriska ah.”

Sidoo kale warbixinta The Conversation waxay intaasi raacisay in Somaliland ay leedahay awood dawladnimo oo dhammaystiran oo ay ku maamusho dekedaha, ganacsiga gudaha, iyo amniga dalkeeda, isla markaana Somaliland ay dejisay nidaam siyaasadeed oo madax-bannaan, iyo xidhiidho adag oo caalami ah “Sidoo kale, Somaliland waxay ku guuleysatay inay dhisato nidaam dawladnimo oo casri ah oo ku dhisan xasilooni iyo nabad waarta muddo ka badan saddex iyo soddon sano, iyada oo ka duulaysa qaanuun iyo nidaam dimuqraadi ah.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this