Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay arrinta uu Ayatollah Khamenei qirtay ee lagu eedeeyay maamulkiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   
ayatollah-khamenei1-scaled.jpg?fit=2560%

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei ayaa markii ugu horreysay si furan u sheegay in kumannaan qof ay ku dhinteen bannaanbaxyadii ka dhacay dalkaas toddobaadyadii u dambeeyay.

Khudbad uu jeediyay Khamenei wuxuu ku qiray in dad badan la dilay, isagoo sheegay in qaar ka mid ah dilalkaasi ay u dhaceen si aad u arxan-darro ah. Wuxuu masuuliyadda dhimashadaas dusha uga tuuray Mareykanka.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRANA, oo xarunteedu tahay Mareykanka, ayaa sheegtay in falcelinta rabshadaha wata ay sababtay dhimashada 3,090 qof, halka ururro kale ay rumeysan yihiin in tiradu ay ka badan karto intaasi.

Xaaladda ayaa sii murugsan, maadaama xannibaad adag oo lagu soo rogay internet-ka ay adkaysay in la helo xog rasmi ah oo la isku halleyn karo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan ugu baaqay dibadbaxayaasha Iiraan inay sii wadaan mudaharaadyada, wuxuuna ka digay in Mareykanku uu faragelin militari sameyn karo haddii ciidamada ammaanku ay dilaan dadka bannaanbaxyada sameynaya.

Khamenei ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad uu ku sheegay kuwo xiriir la leh Israa’iil iyo Mareykanka inay sababeen burbur ballaaran, isla markaana ay dileen kumannaan qof, sida ay werisay warbaahinta dowladda Iiraan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu yahay dambiile si toos ah mas’uul uga ah khasaaraha, burburka iyo gefafka ka dhacay Iiraan.

Bannaanbaxyada ayaa billowday 28-kii December, kadib markii ay soo baxeen cabashooyin la xiriira duruufo dhaqaale oo liita, balse waxay si degdeg ah ugu fiday dalabyo lagu doonayo in la soo afjaro hoggaanka sare ee dalka.

Dowladda Iiraan ayaa mudaharaadyada ku tilmaantay rabshado ay gadaal ka riixayaan cadawga dalka.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Khamenei wuxuu mar kale ku celiyay in Iiraan ay u aragto Madaxweyne Trump inuu yahay dambiile, isagoo sheegay in Mareykanka ay tahay in lagala xisaabtamo arrintaan. Sidoo kale wuxuu ku dooday in Mareykanku ka shaqeynayo sidii loo wiiqi lahaa Iiraan.

Si kastaba, dibadbaxayaasha ayaa wajahay awood xooggan, waxaana la helay muuqaallo muujinaya ciidamada ammaanka oo rasaas ku furaya dadweynaha.

Waxaa sidoo kale dalka Iran ka dhacay xannibaad saameysay internet-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Shalay, isku xirka internet-ka wuxuu gaaray kaliya qiyaastii 2% heerarkii caadiga ahaa, sida ay sheegtay hay’adda NetBlocks.

Inkasta oo wararka qalalaasaha ay yaraadeen maalmihii dambe, haddana xaddidaadda internet-ka awgeed, lama xaqiijin karo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku weli ku sugan yihiin waddooyinka iyagoo wata mootooyin, balse guud ahaan xaaladdu ay u muuqato mid degganaan kusoo laabaneysa.

The post Maxay tahay arrinta uu Ayatollah Khamenei qirtay ee lagu eedeeyay maamulkiisa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this