Deeq A. Posted 12 hours ago Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo hordhac ah oo ay yeeshaan Golaha Wasiirrada Dagaalka, kaddib magacaabista uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo la xiriirta xubnaha Guddiga Hanaanka Nabadda ee Gaza. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan qaabka loo dhisay hay’adda loo bixiyay “Golaha Nabadda”, iyagoo sheegay in qaab-dhismeedkeedu ka hor imaanayo siyaasadda Israa’iil, isla markaana aan wax wada-tashi ah lagala yeelan Tel Aviv intii lagu jiray samaynteeda. Golaha Fulinta, oo la filayo inuu kormeero maamulka Gaza marka uu dagaalku dhammaado, ayaa waxaa ku jira mas’uuliyiin ka kala socda Turkiga iyo Qatar, kuwaas oo ah laba dal oo si cad u dhaleeceeyay hab-dhaqanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Gaza. Dhanka Falastiiniyiinta, waxaa la sheegay in hay’adahan aanay matalin rabitaanka shacabka Falastiin. Hoggaamiyaha Hindisaha Qaranka Falastiin, Mustafa Barghouti, ayaa sheegay in goluhu “u ekaanayo hay’ad Mareykan ah oo ay ku jiraan xubno caalami ah.” Wargeyska The Times ee Israa’iil ka soo baxa ayaa, isagoo soo xiganaya xafiiska ra’iisul wasaaraha, Sabtidii qoray in ku dhawaaqista Aqalka Cad ee ku saabsan samaynta hay’ad caalami ah oo cusub oo maamusha arrimaha Gaza aan lagala tashan Israa’iil, isla markaana ay si toos ah uga hor imanayso siyaasaddeeda. Sida warbixintu tilmaantay, Netanyahu ayaa muujiyay diidmo ku aaddan isku-dhafka golaha cusub ee loo bixiyay Golaha Fulinta. Inkasta oo Golaha Fulinta si farsamo ah hoos ugu shaqayn doono Golaha Nabadda, kaas oo uu guddoomin doono Madaxweyne Trump, kana kooban hoggaamiyeyaal caalami ah, haddana doorkiisa dhabta ah wuxuu noqon doonaa mid si toos ah ula xiriira kormeerka maamulka Gaza dagaalka kaddib, taas oo ka dhigaysa hay’ad saameyn weyn leh marka loo eego doorka astaan ahaaneed ee Golaha Nabadda. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in Netanyahu uu faray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa’ar, inuu si rasmi ah ugu gudbiyo dhiggiisa Mareykanka, Marco Rubio, diidmada Israa’iil ee qaab-dhismeedka Golaha Fulinta. Dhanka kale, Bloomberg News ayaa Sabtidii werisay, iyada oo tixraacaysa qabyo-qoraal, in maamulka Madaxweyne Trump uu qorsheynayo in waddamada lagu waajibiyo bixinta hal bilyan oo doollar si ay xubno uga noqdaan Golaha Nabadda ee la soo jeediyay, inkasta oo Reuters ay sheegtay in aanay awoodin xaqiijinta warkan. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Madaxweyne Donald Trump lagu wado inuu noqdo guddoomiyaha ugu horreeya ee Golaha Nabadda, halka xubinnimada dal kasta ay socon doonto muddo aan ka badan saddex sano laga bilaabo marka heshiisku dhaqan-galo, iyadoo suurta-gal ay tahay in dib loo cusboonaysiiyo go’aan madaxweyne. The post Netanyahu oo ka welwelsan qorshaha Donald Trump ee… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites