Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Banaanbax.webp?fit=660%2C440&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaal tiro badan ayaa isugu soo baxay degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah gardarrada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay Somaliland, oo ah maamul-goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka bannaanbaxayaasha ah ayaa wacad ku maray inay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka, kana hortagayaan duullaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay aqoonsi beenaadka Israa’iil, iyadoo heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duullaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblumaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Heshiisyada Abraham.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

The post Ujeedka banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this