Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u diiday in Somaliland…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2.webp?fit=2048%2C1365&ssl=

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii Sabtida si cad u diiday qorshe kasta oo ku saabsan in shacabka Falastiin dib-u-dejin loogu sameeyo dhulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaas ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawaceysa xuquuqda aasaasiga ah ee dadka Falastiiniyiinta ah.

Madaxweynaha oo ka hadlayay magaalada Laascaanood, xilli uu ka qayb-galayay munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka Waqooyi-Bari ayaa sheegay in Falastiiniyiintu ay muddo tobannaan sano ah u adkeysanayeen colaado joogto ah, iyaga oo aan marnaba ka tagin dhulkooda, isla markaana aysan habboonayn in loo beddelo dad aan lahayn dal iyo dowlad toona.

“Muddo todobaatan sano ah ayaa inta u wad xagga u wad, maalin walba madfac ku rid haddana waa la dhaqaajin waayey. Miyaan u fududaynaynaa in dhulkooda laga riixo?” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay dilalka loo geystay carruurta iyo shacabka aan hubeysneyn, burburka baahsan ee guryaha iyo magaalooyinka, isaga oo xaaladdaas ku sifeeyay mid u eg masiibo ballaaran.

Wuxuu adkeeyay in Falastiiniyiinta aan loo rari karin qaab ka qaadaya xuquuqdooda siyaasadeed iyo lahaanshaha dhulkooda, isagoo tilmaamay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin tallaabo noocaas ah.

“Dunida waxaa ku nool dad aan dal iyo dowlad midna lahayn, kuwaas oo nool kaliya si ay u noolaadaan, balse aan lahayn wax xuquuq ah. Annagu ma oggolaanayno in Falastiiniyiintu noqdaan dad noocaas ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay soo jeedinta ah in Falastiiniyiinta la dejiyo dhul Soomaaliyeed mid u eg in hal dhibaato lagu darayo mid kale, isaga oo sheegay in taas aysan suurtagal ahayn, islamarkaana ay si cad u diideen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay midnimo qaran iyo aqoonsi ku dhisan wadajir. Wuxuuna xusay in haddii ujeeddadu tahay helitaanka xukun ama awood, Soomaaliya ay diyaar u tahay in arrintaas lagu xalliyo midnimo Soomaaliyeed.

“Annaga ayaa idiin hayna wax ka badan inta ay Netanyahu iyo Israa’iil idiin hayaan. Annaga ayaa idinka jecel iyaga. Haddii ay tahay arrin ku saabsan awood iyo xukun, na xukuma annagoo Soomaali ah oo midaysan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Somaliland oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii ayaan weli helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo aqoonsatay dabayaaqadii sanadkii 2025-ka, arrintaas oo si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadallada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar sheegaya in aqoonsiga Israa’iil uu la xiriiray qorshe dib-u-dejin Falastiiniyiin ah, inkastoo Somaliland ay si cad u beenisay eeddaas.

Israel ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u diiday in Somaliland… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this