Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Culus oo Saakay ka Dhacay Deegaanka Jabad Godane ee Degmada Warshiikh

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Jabad Godane ee hoos taga degmada Warshiikh ayaa saakay waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalku uu billowday kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah uga hortagay weerarka, waxaana la sheegay inay jab culus gaarsiiyeen kooxda weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, ilo amni ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah goobihii ay Al-Shabaab ka soo qaadeen weerarka.

Ilaa iyo hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac, hase yeeshee xaaladda guud ee deegaanka ayaa lagu soo warramayaa mid deggan, iyadoo ay ciidamadu wadaan howlgallo amni oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa la filayaa inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dagaalka iyo natiijadiisa saacadaha soo socda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this