Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo si weyn u taageeray Dhismaha Dowlad goboleedka Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa si weyn u taageertay dhismaha iyo hirgelinta Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kadib munaasabaddii caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

War qoraal ah oo ay soo saartay Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Muqdisho ayaa hambalyo ballaaran loogu diray madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda ayaa sheegtay inay si diirran ugu hambalyeynayso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda guusha leh ee caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ka qabsoontay magaalada Laascaanood.

Qoraalka Safaaradda Shiinaha ayaa muujinaya in Beijing ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamka federaalka, dhismaha maamullo loo dhan yahay, iyo adkeynta midnimada, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Taageerada Shiinaha ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa ah mid muhiim ah, maadaama ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo dowlad-dhiska, nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this