Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Howlgalladii NISA ee Sanadkii Lasoo Dhaafay oo Lagu Dilay 524 Xubnood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabagal ay sameysay Warbaahinta Goobjoog ayaa muujiyay in hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay fulisay howlgallo amni sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo sababay in la dilo 524 qof. Inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare oo ka tirsanaa kooxda Shabaab.

Warbixintu waxay tilmaantay in dilalka intooda badan ay ka dhasheen howlgallo dhanka cirka ah, kuwaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Howlgalladan cirka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen ama fulinayeen weerarro ka dhan ah shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Gobollada ay howlgalladu inta badan ka dhaceen sanadkii 2025 waxaa ka mid ah Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Gobolladan ayaa muddooyinkii dambe ahaa meelaha ay ku xoogganaayeen dhaqdhaqaaqyada Shabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this