Sign in to follow this  
Jumatatu

GOLAHA AMNIGA OO UGU BAAQAY HOGGAMIYAYAASHA SOOMAALIYA IN AAY XAL U HELAAN KHILAAFADK

Recommended Posts

Jumatatu   

Amniga15.jpg

 

 

Guddiga Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa waxaay ugu baaqayaan Golayaasha KMG ah ee dalka Soomaaliya in aay sugaan qorshaha nabadgalyada iyo xasiloonaanta aayna kamid tahay xabbad joojinta.

 

Guddoomiyaha Guddiga amnigu wuxuu yiri:

Suurogal ma aha in la gaaro horumar kama dambays ah haddii aan la JOOJIN hubka kasoo qulqulaya Xuduudaha

Iyagoo cabbiraya sida aay uga walwalsan yihiin khilaafaadka khatarta galinaya hirgalinta dawladda KMG ah iyo hayádaheeda guddiga amnigu wuxuu galabtay ugu baaqay in si degdeg ah loo dhammaystiro qorshaha nabadgalyada qaranka oo uu kamid noqonayo hirgalin heshiis xabbad joojin oo keeni kara in si kama dambays ah hubka la isaga dhigo .

 

Bayaanka uu soo saaray guddiga amniga waxaa akhriyey Guddoomiyaha guddiga Adamantios Th. Vassilakis oo dhalashadiisu Griig"Greece" tahay oo ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaaliya in aay isxakameeyaan aayna si degdeg ah u qaataan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dhimayo xiisadaha jira isaga oo sheegay in aay tahay wax aan marnaba la aqbali karin rabshado ama falal milatari oo ka yimaada ama aay fuliyaan xubnaha ama midkasta oo kamid ah Golayaasha iyo hayádaha dawladda KMG ah ama qaybaha kale si aay ugu adeegsadaan khilaafaadka imminka aloosan.

 

.

Guddiga Amniga waxaay si xoog leh u cambaareeynayaan dilkii waxashnimada ahaa oo bishaan July 11dii lagu dilay cabdulqadir Yaxye oo u si firfircoon ugu hawlanaa nabadaynta Soomaaliya waxaana guddiga amnigu ugu baaqayaa in si degdeg ah loo baaro loona soo qabto ciddii ka dambaysay khaarajinta cabdulqadir Yaxye .

Waxaa kale oo guddiga amnigu cambaareeyey Afduubkii loo gaystay markabkii kaalmada bini aadannimo u waday dadkii ku tabaaloobay musiibadii Tsunami-ga ,arintaas oo ka dambaysay goáankii barnaamijka Haádda Cuntada Adduunaak "WFP" oo ahaa in la joojiyo dhammaan kaalmadii bini aadamnimo ee lasiin jiray Soomaalida .Waxaaa dhacdadaas markabka lagu afduubay laga soo saari doonaa qaraar degdeg ah .

 

 

Iyadoo la tixgalinayo codsigii uu usoo gudbiyey Golaha Amniga ee Ururka Midowga Afrika oo uu ku waydiisanayey in laga dhaafo ama laga masaabaxo cunaqabatayntii lagu soo rogay Soomaaliya oo ku xusnayd qaraarka 733 ee Sanadkii 1992-dii ,waxaa guddiga amniga ee jamciyadda Qaruumaha ka dhexeeyaa uu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay in uu tixgaliyo arintaas xilliga aay ku habboon tahay .

Guddiga amnigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan qaybaha Soomaaliya oo aay ku jiraan dhammaan xubnaha ka tirsan Golayaasha KMG ah ee dalka Soomaalia iyo dammaanba xubnaha kamid ah qaranka in aay waajib ku tahay in aay hirgaliyaan xayiraadda hubka ee lagu soo rogay .

Iyadoo aay dhiirigalisay tallaabooyinka dibuguuridda ee Golayaasha Federaaliga ah waxaa Golaha amnigu ugu yeerayaa hoggaamiyayaasha Soomaalida in aay sii ambaqaadaan hawlihii dibuheshiisiinta iyagoo la imaanaya fikrad guud oo la isku raaco oo ku qotonta axdi qarameedkii dhaqangalay bishii february sanadkii 2004.

 

Golaha Amnigu wuxuu soo dhaweeynayaa sida Midowga afrika iyo IGAD diyaarka ugu yihiin in aay sii xoojiyaan taageerada aay u gaysanayaan Soomaaliya si loo dhidbo dawlad dhexe oo shaqaynaysa taas oo aay ku jirto suurogalnimada in la keeno dalka soomaaliya ciidamo nabadda taageera .

 

Waxaa Turjumay :

Somaliweyn Information Center/Gothenburg/Sweden

 

 

The full report

 

Video Report

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this