Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-1.jpg?fit=1080%2C486&ssl=1

Warsheekh Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno ka tirsan Al-Shabaab ah ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo qaraxyo ku bilowday.

Saldhigan oo ay daganaayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa aroornimadii hore ee saaka weerarka ku eekeysay kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ilaa iyo hadda ka socda halkaasi, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa sheegtay inay la wareegtay saldhigga ay weerartay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Khawaarijta, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad badan.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli xaaladda duleedka magaalada Warsheekh ay tahay mid aad u kacsan, waxaana ka socda dagaalka, iyadoo gurmadyo ay helayaan labada dhinac.

Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii uu dambeeyay ay argagixisadu culeys soo saartay aagga degmada Warsheekh, waxaana maalmo kahor ay sidaan oo kale u weerartay deegaanka Jabad Godone oo ay gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Soomaaliya.

The post Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday duleedka Warsheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this