Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe iyo guryo lagu gubay

Recommended Posts

Deeq A.   
gadiid-lagubay.jpg5_.jpg?fit=657%2C875&s

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaanka Iji oo ku yaalla xadka uu gobolka Shabeellaha Dhexe la wadaago gobolka Hiiraan kadib markii ay weerar fool xumo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo tegay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo ka yimid dhinaca gobolka Hiiraan ay dab qabadsiiyeen qaybo kamid ah deegaanka, waxayna gubeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Sidoo kale, waxa ay boobeen hanti fara badan, iyaga oo sidoo kale cagta mariyay beero ku yaalla deegaankaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inuu jiro khasaaro baaxad leh.

“Tuulo Iji waayay meesha ay wax ka dhaceen guryihii waa la gubay hanti waa la dhacay wax loo reebtay ma jiraan waxaana saas yeeshay qolo kasoo jeedda dhanka Hiiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dagaal xooggan uu ka qarxay gudaha deegaanka, isla markaana u dhexeeyo laba beelood oo ood wadaag ah, taas oo uga sii dareysa xaaladda ka taagan Iji oo ku yaalla xadka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Deegaanka waxaa saaka ka socda dagaal wuxuu u dhexeeyaa laba beelood oo ood wadaag ah, xaaladdana faraha ayay ka baxday” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarka iyo dagaalka xigay.

Marar badan ayay colaadda beelaha kusoo noq-noqotay xadka labada gobol ee HirShabelle, waxaana guul-darreystay dadaallo nabadeed oo horay loo sameeyay.

The post Dagaal beeleed ka qarxay Sh/Dhexe iyo guryo lagu gubay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this