Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay isimada Puntland? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
615558011_1351854440319025_1517806145907

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha, isimada iyo cuqaasha dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Odayaasha uu la kulmay madaxweynaha aya waxaa hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, xafladdii caleemo-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari oo shalay ka dhacday Laascaanood.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale waxa ay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Dhanka kale waxaa kulankan ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, taliyaha ciidanka Booliska iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay odayaasha dhaqanka ee Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay dadaalka ay galiyeen dhismaha maamulkaas, wuxuuna kusii adkeeyay midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Jimcihii gaaray Laascaanood halkaas oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu caleemo-saaray madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa oo shalay ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

616814462_1351854590319010_4699517868592 615407267_1351854736985662_2122168921526 615439105_1351854470319022_1965859328274 615474035_1351854496985686_6594143176373 615558011_1351854440319025_1517806145907 615861832_1351854466985689_6233199477123 616326908_1351854780318991_6599993259067 616380670_1351854636985672_6966988983299

The post Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay isimada Puntland? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this