Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkiii ugu dambeeyey ee Yemen iyo xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
Shaya-Mohsin-Zindani--scaled.webp?fit=25

Cadan (Caasimada Online) — Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC) ayaa aqbalay iscasilaaddii Ra’iisul Wasaare Saalim bin Breik, waxayna beddelkiisa u magacaabeen Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Shaya Muxsin Zindaani, sida ay Khamiistii werisay wakaaladda wararka ee dowladda, Saba.

Warbixinta waxay sheegtay in Bin Breik uu si rasmi ah u gudbiyay iscasilaaddiisa, taas oo goluhu aqbalay, ka hor inta aan Zindaani loo xilsaarin inuu soo dhiso gollaha wasiirrada ee xiga.

Bin Breik ayaa la kulmay Guddoomiyaha PLC, Rashad al-Alimi, wuxuuna u “gudbiyay iscasilaadda xukuumadda si loogu gogol-xaaro dhismaha xukuumad cusub,” sida lagu sheegay bayaan ay daabacday Saba.

Golaha PLC, oo ah dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay kuna tiirsan taageerada Sacuudiga, ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay sii wadi doonto maareynta arrimaha dalka — marka laga reebo magacaabista iyo xil-ka-qaadista — ilaa inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub.

Bayaanka ayaa isbeddelkan ku sababeeyay “dadaallada lagu soo celinayo hay’adaha dowladda, xoojinta midnimada go’aan-qaadashada qaran” iyo “ka adkaanta afgambiga,” iyadoo lala xiriirinayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Bishii hore, dagaalyahanno taabacsan Golaha KMG ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo xoog kula wareegay magaalooyin, saldhigyo, dekedo, isgoysyada xuduudaha iyo kaabayaasha shidaalka oo ay horey u haysteen ciidamo qabiil oo Sacuudigu taageero oo daacad u ah dowladda.

Weerarkaas ayaa ka careysiiyay Sacuudiga, kaas oo 30-kii December duqeeyay shixnad Imaaraadku leeyahay oo taallay koonfurta Yemen, wuxuuna dhaleeceeyay doorka Imaaraadka ee taageerada gooni-u-goosadka. Riyaad ayaa markaas kadib duqeymo la beegsatay kooxda STC.

Ciidamada Sacuudigu taageero ayaa markaas kadib horumar sameeyay, waxaana burburay awooddii STC, iyadoo ciidamada dowladduna ay dib u qabsadeen Cadan iyo aagagga ku hareeraysan.

Xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa labada dal ee ugu tunka weyn Khaliijka, Sacuudiga ayaa markaas ku eedeeyay Abu Dhabi inay fududeysay baxsashada hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi, oo Yemen uga tallaabay dhanka Imaaraadka isagoo sii maraya Somaliland.

Isniintii, PLC ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay si buuxda STC uga soo ceshadeen gacan ku haynta koonfurta dalka.

Wargeyska Middle East Eye ayaa toddobaadkii hore weriyay in Cadan — oo ahayd caasimadda ay kooxda gooni-u-goosadku u arkayeen inay noqonayso xarunta dowlad madax-bannaan oo mustaqbalka la dhiso — aysan hadda gacantooda ku jirin.

Ciidamada hadda magaalada ilaalinaya ayaa horey ula saftay STC, balse hadda dhanka dowladda u soo goostay si ay u taageeraan Golaha Madaxtooyada (PLC).

The post Wararkiii ugu dambeeyey ee Yemen iyo xiisadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this