Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo magdhaw ka dalbatay Turkiga iyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamuud-Caydiid-Dirir.jpg?fit=1489%2C11

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Puntland ayaa soo saaray farriiin culus oo ku socota dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga, wuxuuna ka dalbaday in magdhaw ay ka siiyaan muwaadiniintooda lagu qabtay dagaalka Calmiskaad.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa farriintan u diray labada dowladood, wuxuuna sheegay in muwaadiniintooda oo gacanta lagu hayo ay dhibaato u gaysteen shacabka Puntland, ayna ka doonayaan in magdhaw laga siiyo.

“Turkiga iyo Sacuudigu muwaadiniintooda lagu qabtay dagaalka Cal-miskaad dhibaatadii ay u geysteen shacabka reer Puntland magdhaw haka siiyaan”. ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Shalay ayay Puntland soo bandhigtay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay buuraha Calmiskaad, waxayna ragga lasoo bandhigay ay u kala dhasheen dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.

Maxaabiistan ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan kooxda Daacish laga sifeeyay inta badan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

“Geesiyaasha ciidankeenna Puntland oo taageero ka helaya saaxiibadeenna Imaaraadka iyo Maraykanka, ayaa ku guuleystay in Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS laga sifeeyo Calmiskaad, wuxuuna hadda maraya hawlgalku meel gebogebo ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

616168955_1308476321309962_6385652933645 616681124_1308476191309975_4325122667807 616796861_1308476244643303_8768189395159 616796861_1308476357976625_2920382767845 616945170_1308476444643283_6829875020835 616991553_1308476371309957_6843449096272 617519877_1308476524643275_4352601812495 618471067_1308476204643307_5365298407700 1000122371.webp?resize=696%2C1129&ssl=1

The post PUNTLAND oo magdhaw ka dalbatay Turkiga iyo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this