Deeq A. Posted 8 hours ago Warsheekh (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib weerar xooggan oo ay ku qaaday kooxda. Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi laga hortegay, isla markaana la fashiliyay dhagartooda. Sidoo kale, wuxuu bayaanka intaasi kusii daray in ciidamadu ay si buuxda u maamulayaan deegaanka uu ka dhacay dagaalka. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Howlgalka ayaa weli sii socda, iyada oo ciidamada ay beegsanayaan firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed”. Dhanka kale, Al-Shabaab oo qoraal ku baahisay barahooda bulshada ayaa dhankeeda sheegtay in ay cagta marisay saldhigga ay weerartay, isla markaana khasaare culus ay gaarsiisay ciidankii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Inta badan Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay kooxda argagixisadu culeys soo saartay aagga degmada Warsheekh, waxaana maalmo kahor ay sidaan oo kale u weerartay isla deegaanka Jabad Godone oo ay gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka. The post DF Soomaaliya oo guul wan ka sheegatay dagaalkii maanta appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites