Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee laga qabtay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1000122370.jpg

Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya.

Maxaabiistan ajaanibta ah oo tiradooda gaarayso kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigay dowladda Puntland.

Dalka Morooko ayaa liiska kaalinta labaad kaga jira, waxaana ka soo muuqday ku dhawaad tobon xubnood oo dalkaas u dhashay, halka Yemen iyo Tansaaniya ay ku jiraan kaalimaha ku xiga.

Qaarada Yurub waxaa kaga jira dalka Turkiga oo ay ka soo muuqdeen labo xubnood oo dalkaas u dhashay, sidoo kale dalalka Khaliijka waxaa ka soo muuqday hal xubin oo Sacuudiga u dhashay.

1000122371-887x1440.jpg 1000122369.jpg 1000122368.jpg 1000122367.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this