Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo u gar dhigatay maamulka Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
349527444_801446478164670_25069470027641

Laascaanood (Caasimada Online) – Xidhibaan Cabdullahi Black oo kamid ah xubnaha ku metala Koonfur Galbeed Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u gar dhigteen maamulka Waqooyi Bari, ayna doonayaan inay kala xaajoodaan dadkoodiii lagu dhibaateeyay magaalada Laascaanood.

Xildhibaanka oo ka qayb-galaya caleema saarka madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in wada-hadallo hordhac ah la galeen, isla markaana ay doonayaan in xal loo helo arrintaasi oo keentay in Laascaanood laga soo raafo dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed, waxaana howlgalkaas horay u fulisay Somaliland.

“Annaga reer Koonfur Galbeed ayaa nahay, waana kasoo qayb-galnay caleema saarka, wax kala tabashada Soomaalida waa 40 sano jirsatay sababaha aan u nimid, isla markaana aan kala hadalna maamulka curdunka ah dadkiinii lagu dhibaateeyay Laascaanood” ayuu yiri Cabdullaahi Black.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaa in hantidii ay lahaayeen dadkaas dib loogu soo celiyo, isla markaana loo ogolaado deegaanka.

“Dadkaas waa dad Soomaaliyeed waxaana dhibaateeyay system-kii markaas jiray waxaan rabnaa in waxoodii loo soo celiyo eedda noocaas ahna eed qabato maha maamulka Waqooyi Bari” ayuu sii raaciyay.

Xildhibaan Black oo hadalkiisa sii wata aya si weyn ugu mahaceliyay shacaka iyo maamulka Waqooyi Bari oo uu ku amaanay sida ay uga shaqeynayaan midnimada dalka, oo ay usoo galeen dagaal adag.

“Magaalada Laascaanood waxaan kula kulanay dad Soomaaliyeed oo ay midnimadu u tahay waxa ugu wayn ee ay haystaan, ayna usoo halgameen” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la soo warinayo in madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ka cudur daartay ka qayb-galka caleema saarka Firdhiye, iyada oo arrintaas lala xiriiriyay dadkii looga dhibaateeyay halkaasi.

The post Koonfur Galbeed oo u gar dhigatay maamulka Waqooyi Bari appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this