Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo loo gudbiyay dalab la xiriira dhismaha Awdal State

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1768666787055.webp?fit=2048%2C136

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira inuu ku dhawaaqo dhismaha maamulka Awdal State oo haatan si xooggan loogu ololeynayo.

Wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Ayuub Ismaaciil oo munaasabadda ka hadlay ayaa madaxweynaha gaarsiiyay farriin uu ka siday shacabka Awdal, wuxuuna ugu baaqay inuu tixgeliyo rabitaankooda, si ay u helaan maamul hoostaga dowladda dhexe.

“Waxaan rabaa mudane madaxweyne meeshan maanta ah ummadda Soomaaliyeed horteeda ah inaan adiga iyo xukuumadaada kaaga soo jeediyo farriin ka socota shacabka reer Awdal oo ah inaad u dhisto maamul hoostaga dowladda federaalka oo ah Awdal State” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Sidoo kale, waxaa codsigaan xoojiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cali Maxamed Geeddi oo isna hadalka qaatay, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu usoo jeesto arrimaha gobolka Awdal.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kaaga dhiman howlaha qiimaha badan oo ay waddo dowladda aad hoggaamineyso gobolka Awdal, codsi ayaana halkan laga soo jeediyay aniguna waa ayiday cid lagu dulmi maayee xaq waayay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Dhankiisa Faarax Macallin oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kana qay-galay munaasabadda ayaa sidoo kale madaxweynaha kula taliyay inuu aqoonsado Awdal State, isla markaana uu geeyo ciidanka Xoogga dalka.

“Madaxweyne gobolka Awdal aqoonso garab istaag u muuji ciidan qaranka ka socdana gay oo saldhiggiisa leh” ayuu isna yiri Faarax Macallin.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeysanayay ololaha ku aaddan sidii maamul loogu dhisi lahaa gobolka Awdal oo ay kasoo cusboonaaday xiisad u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana gobolkaasi kusoo noq-noqday kacdoono iyo dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka.

The post Xasan oo loo gudbiyay dalab la xiriira dhismaha Awdal State appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this