Deeq A. Posted 11 hours ago Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa kusoo bandhigtay gobolka Sool, kuwaas oo dhameystay tababar ay muddo ku qaadanayeen halkaasi. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qayb-gaay taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Cirro iyo madaxda gobolka. War kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamadan oo gaaraya in ka badan lix kun oo askari ay ku biiri doonaan ciidanka difaaca, isla markaana loo carbiyay howlaha sugida amniga iyo difaaca qarankooda. Shalay ayaa sidoo kale, madaxweynah khudbad uu jeediyay wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca Somaliland, maadaama ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Soo bandhigidda ciidamadan ayaa kusoo aaday, xilli maanta magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha Waqooy Bari Cabdulqaadir Firdhiye. Somaliland ayaa si weyn uga carootay tallaabadan, waxayna ku tilmaamtay daadaansi ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, xiisadda labada dhinac ayaa haatan mareysa meeshii ugu xumeyd, waxaana socda dagaal al xiriira arrimaha diblumaasiyadda oo laga dareegay gobolka iyo caalamka. The post Somaliland oo ciidankii ugu badnaa kusoo bandhigtay Sool appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites