Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo go’aan kasoo saaray maxaabiista ay kala haystaan Waqooyi Bari iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
XASSAN.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay Laascaanood ayaa ka hadlay arrimo la xiriira maxaabiista ay weli kala haystaan maamullada Waqooyi Bari iyo Somaliland oo horay ugu dagaalamay gudaha magaaladaasi.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in lasii daayo maxaabiista xiran, isla markaana laga wada shaqeeya nabadda deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso sidii ay maxaabiista isku dhaafsan lahaayeen labada dhinac, si xorriyadooda ay u helaan wiilasha Soomaaliyeed ee ilaa maanta xiran.

“Waxaan idin-ku garab istaageynaa sii wadida nabadda iyo dib u heshiisinta oo ay ugu horreyso is-weydaarinta maxaasbiista ku xiran labada dhinacba. Xorriyadda wiilasha Soomaaliyeed ee dhan kasta ku xiran cudur daar looma haayo sii xirnaantooda”

Waxaa kale oo uu kusii daray “Sidaas daraadeed Dowladda Federaalka waxay u istaagi doontaa idinkuna garab siin doontaa, cid kasta oo daneyneysana ay garab ugu tahay in wiilashadaasi ay xorriyaddooda dib u helaan”.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka Waqooyi Bari ku amaanay dadaalkooda iyo halganka ay geliyeen midnimada dalka, isaga oo xusay in ay caddeyn u tahay in aan la kala goyn karin Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in dhul kamid ah Soomaaliya ay u adeegsato danaheeda gurracan.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dadka Soomaaliyeed iyo dunida aad u xaqiijiseen in aanay Soomaaliya kala go’i karin, waxaad halkan farriin uga direysaan anne aan idin-ku raacsanahay Netanyahu oo dhulka reer Falastiin xoog ku haysta hor istaagsan dowladdooda waxaan cod dheer ku leeyahay marna suurtagal ma’aha in Israa’iil ay Soomaaliya dhexdeeda ka sameysato dowlad fulisa istaraatiijiyaddeeda gurracan” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

The post Xasan oo go’aan kasoo saaray maxaabiista ay kala haystaan Waqooyi Bari iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this