Sign in to follow this  
Deeq A.

Firdhiye oo lagu caleemo-saaray Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
1000122220.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxweynaha Galmudug Axmex Qoorqoor iyo madax kale oo ka socota dowladda federaalka ayaa maanta magaalada Laascaanood uga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka nadaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay safiiro iyo wakiillo ka socda dowladaha Jabuuti, Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, Kenya, Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo marti sharaf kale.

Madaxda iyo marti sharafta kala duwan ee ka qaybgalay munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Firdhiye iyo ku xigeenkiisa ayaa khudbado ka jeediyay goobta.

1000122224.jpg 1000122221.jpg 1000122223.jpg 1000122222.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this