Deeq A. Posted 9 hours ago Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxweynaha Galmudug Axmex Qoorqoor iyo madax kale oo ka socota dowladda federaalka ayaa maanta magaalada Laascaanood uga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka nadaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye). Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay safiiro iyo wakiillo ka socda dowladaha Jabuuti, Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, Kenya, Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo marti sharaf kale. Madaxda iyo marti sharafta kala duwan ee ka qaybgalay munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Firdhiye iyo ku xigeenkiisa ayaa khudbado ka jeediyay goobta. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites