Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Laascaanood iyo Madaxweynaha JFS oo saacado ka dib ku wajahan magaaladaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo wufuud uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka socdaan qaban-qaabooyin siyaasadeed oo midnimada Soomaaliya lagu xoojinayo iyo munaasabado heer qaran ah oo lagu caleema-saarayo Madaxda Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Isimada Dhaqanka, waxgaradka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Laascaanood, si uu uga qeyb galo munaasabadaha la xiriira dhismaha iyo xoojinta Maamulka Waqooyi Bari.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa isna maanta soo gaaray Laascaanood, waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo lagu wado in si rasmi ah loo qabto maalmaha soo socda.

Safarka mas’uuliyiintan sare ee dowladda ayaa diirran adkeynta midnimada iyo taageerada geeddi-socodka siyaasadeed ee ka socda gobollada Waqooyi Bari, iyadoo dowladda Federaalka ay muujisay inay ka go’an tahay garab istaagga rabitaanka shacabka iyo dhismaha maamul waara oo ka shaqeeya nabadda iyo horumarka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this