Sign in to follow this  
Deeq A.

SACUUDIGA OO HORMUUD KA AH DHISMAHA ISBAHAYSI CIIDAN OO AY KU MIDAYSAN YIHIIN MASAR IYO SOOMAALIY

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada-hadallo heer gabagabo ah kula jirta dowladaha Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan dhismaha isbahaysi ciidan cusub oo lagu xoojinayo amniga Badda Cas iyo iskaashi militari oo qoto dheer.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaalka Sacuudiga ee lagu yaraynayo saameynta Imaaraadka Carabta ee gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu dhowaan u safro Sacuudiga si loo dhammeystiro heshiiska, kaas oo diiradda saaraya wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo dhanka amniga ah, gaar ahaan ilaalinta marin-biyoodka Badda Cas.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Soomaaliya ay toddobaadkan baabi’isay heshiisyo amni iyo dekedo oo ay la lahayd Imaaraadka, iyada oo ku eedeysay inuu ku xadgudbay madaxbannaanideeda.

Sacuudiga ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka, iyadoo xiisado sii kordhayaan oo u dhexeeya labada dal ee xubnaha ka ah OPEC+, gaar ahaan arrimaha Yemen.

Sacuudiga ayaa horay u muujiyay taageerada uu u haayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, balse heshiiskan cusub ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee uu si toos ah u xoojiyo amniga iyo awoodda militari ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in heshiis la diyaarinayo, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

Dhanka kale, Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka midkoodna si rasmi ah ugama hadlin arrintan, inkastoo Imaaraadku uu sannadihii dambe ballaariyay joogitaankiisa Afrika, isla markaana uu maalgelin ku sameeyay dekedaha Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this