Sign in to follow this  
Deeq A.

Bobi Wine oo Laga Afduubtay Gurigiisa Xilli Doorashooyinka Uganda Socdaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, ayaa si qasab ah looga kaxeeyay gurigiisa xilli uu dalka ka socdo doorashada, sida uu sheegay xisbiga uu hoggaamiyo ee National Unity Platform (NUP).

Waxaa la sheegay in Bobi Wine looga qaaday gurigiisa helikobtar ciidamada ay leeyihiin, iyadoo meesha uu ku sugan yahay aan la ogeyn.

Xisbiga NUP ayaa ku eedeeyay dowladda Uganda in tallaabadan ay tahay caburin siyaasadeed oo lagu beegsanayo mucaaradka, isla markaana ay walaac ka muujiyeen badqabka iyo xorriyadda Bobi Wine.

Xisbiga ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo cadeeyo halka uu ku sugan yahay iyo in xuquuqdiisa dastuuriga ah la ixtiraamo.

Sababta loo afduubtay, sida uu sheegay xisbiga, waxaa la xiriira xakamaynta mucaaradka, ka hortagga bannaanbaxyada iyo kacdoonnada, iyo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka xilli doorashooyinka socdaan laakiin wali aan lagu Dhawaaqin natiijada

Illaa hadda, dowladda Uganda kama aysan hadlin dhacdadan, taasoo sii kordhisay walaaca gudaha iyo kan caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this