Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare Xamza oo ka degay Laascaanood + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
615692145_1239165368312607_3582841169788

Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xamza ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomi doonta magaalada Laascaanood.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Shacabka magaalada ayaa lagu boorriyay inay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn, maadaama ay martigelinayaan madaxda qaranka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka.

Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, magaalada waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda amniga guud, si jawi degan ugu qabsoonto munaasabadda caleemo-saarka.

616683648_1239163361646141_7042450931075

615692145_1239165368312607_3582841169788

616549592_1239163154979495_5438442402581

614679960_1239165248312619_7111561417364

615400235_1239169261645551_6908810738605

615143370_1239169091645568_7650550375429

The post R/Wasaare Xamza oo ka degay Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this