Deeq A. Posted Friday at 01:00 PM Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Xamza ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomi doonta magaalada Laascaanood. Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada. Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood. Shacabka magaalada ayaa lagu boorriyay inay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn, maadaama ay martigelinayaan madaxda qaranka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka. Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale, magaalada waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya sugidda amniga guud, si jawi degan ugu qabsoonto munaasabadda caleemo-saarka. The post R/Wasaare Xamza oo ka degay Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites