Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
615354148_1420362610130341_4496991825990

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad-goboleed, Isimada dhaqanka, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda qeyb ka ahaa madax dalka xilal kala duwan kasoo qabatay iyo hoggaanka ciidamada booliiska iyo nabad-sugidda.

Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka qabsoomaysa magaalada Laascaanood.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Magaalada waxaa haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay si weyn iskugu dhacsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

615905390_1420362636797005_2281184408980

615429432_1420362646797004_8465954014386

615354148_1420362610130341_4496991825990

615441212_1420362676797001_2231736549129

616816758_1420362686797000_4201017314509

615835741_1420362616797007_5646506729562

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this