Deeq A. Posted 20 hours ago Mandheera (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa ka dhacay ismaamulka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku guda jiray howlgal amni. Saraakiil amni ayaa sheegay in dagaalku uu billowday markii ciidamada Kenyan-ka ah ay Al-Shabaab ku qaadeen weerar gaadmo ah, xilli ay marayeen meel u dhow xarun ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka. Weerarkaasi ayaa sababay is-rasaaseyn xooggan, taas oo keentay in goobta loo daabulo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan booliska hubeysan ee Kenya, si ay u xoojiyaan kuwii roondada ku jiray. Intii uu socday iska horimaadka, waddooyinka ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray, iyadoo tallaabadaasi lagu tilmaamay mid looga hortagayo khataro amni. Saaka oo Jimce ah ayaa dib loo bilaabay isu-socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka, kaddib markii la xaqiijiyay in ammaanka deegaanka si buuxda loo sugay. Dhacdadan kaddib, dowladda Kenya ayaa gelisay heegan buuxa dhammaan ciidamada ammaanka ee ku sugan Mandheera iyo agagaarkeeda, iyadoo xog sirdoon ay muujisay dhaqdhaqaaqyo kordhay oo Al-Shabaab ay ku beegsanayaan saldhigyo ciidan, roondooyin iyo gaadiid rakaab ah. Dalka Kenya, gaar ahaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari, waxaa inta badan ka dhaca weerarro gaadmo ah oo qaarkood lagu beegsado xarumaha ciidamada dowladda Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada, haddii dowladda Kenya aysan kala bixin ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. The post Dagaal ka dhacay Mandheera kadib weerar lagu qaaday… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites