Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi sare oo ka socda Jabuuti oo ku hoyanaya Laascaanood + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
1000121483.webp?fit=2048%2C1366&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre ayaa Laascaanood u yimid ka qayb-galka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

Sidoo kale, wafdigan waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Jabuuti, Ridwaan Xirsi Bahdoon, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Amb. Maxamed Rashiid.

Wafdigan ayaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye, iyo mas’uuliyiin kale.

Laascaanood waxaa caawa ku hooyanaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo gelinkii dambe ee maanta gaaray xarunta Maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka dhacayso caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Amniga magaalada Laascaanood ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo magaalada la geliyay bandow, isla markaana muddo 48 saacadood ah la hakiyay isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee gudaha magaalada.

Sidoo kale, ciidamada ku sugan xuduudaha Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu amray inay joojiyaan gaadiidka ka baxaya iyo kuwa soo galaya xarunta maamulka ee Laascaanood.

Magaalada waxaa sidoo kale haatan ku sugan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

1000121483.webp?resize=696%2C464&ssl=1

1000121480.webp?resize=696%2C464&ssl=1

1000121482.webp?resize=696%2C464&ssl=1

1000121485.webp?resize=696%2C464&ssl=1

1000121486.webp?resize=696%2C464&ssl=1

1000121487.webp?resize=696%2C464&ssl=1

The post Wafdi sare oo ka socda Jabuuti oo ku hoyanaya Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this