Sign in to follow this  
Deeq A.

South Sudan oo caddeysay mowqifkeeda aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Somaliland-flag.webp?fit=1600%2C1067&ssl

Juba (Caasimada Online) – Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa ku dhawaaqday inay garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfurta Suudaan ayaa ayiday mowqifyada ay qaateen Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, kuwaas oo si adag uga horyimid xadgudub kasta oo lagu kala goynayo Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfurta Suudaan ayaa lagu caddeeyay in dalkaasi uu si buuxda ula jaanqaadayo go’aannada Midowga Afrika iyo IGAD ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa xusay in dowladda Koonfurta Suudaan ay mar kale adkaynayso ballanqaadkeeda ku aaddan dhowrista midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu tilmaamay in mowqifkan uu waafaqsan yahay axdiyada iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami, gaar ahaan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika iyo xeerarka caalamiga ah.

Bayaankan ayaa imanaya xilli ay si isa soo taraysa u kordhayaan falcelinta iyo mowqifyada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ee la xiriira arrinta Somaliland iyo doodaha ka dhashay aqoonsiga ay sheegtay inay ka heshay Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Arrintan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xidhay qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diidday go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay inay dagaal diblomaasiyadeed adag kula jirto aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

The post South Sudan oo caddeysay mowqifkeeda aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this