Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo hanjabaad culus kasoo saartay ciidankii tagay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
PSF.jpeg?fit=660%2C364&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa si adag uga hadlay ciidamo ka tirsanaa maamulka oo tagay magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in hubkii ay wateen dib loogu soo celiyo Puntland.

Taliska ayaa ku eedeeyay ciidamadan oo haatan ku sugan Laascaanood, inay faraha la galeen arrimo siyaasadeed, isla markaana aysan xaq u lahayn inay sii haystaan ama si qaldan u adeegsadaan hubka maamulka Puntland.

“Dowladda Puntland waa in loo soo celiyaa hantideedii iyo hubkeedii. Haddii iyagu qof ahaan ay doonayaan inay kusoo laabtaan ciidankoodii, way kusoo laaban karaan, balse hubkaasi waa hanti ay leeyihiin Dowladda Puntland iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo xusay inay sharciga la tiigsanayaan ciidankaasi.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya maalin kaddib markii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay gaareen magaalada Laascaanood si ay uga qayb qaataan sugidda amniga.

Ciidamadan oo muddooyinkii u dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa Arbacadii soo galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidamadaas ku tilmaantay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo loo xil saaray sugidda amniga guud iyo diyaargarowga soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale, Madaxweyne Firdhiye oo Laascaanood kula kulmay ciidamada uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen dagaalladii magaalada lagaga saaray ciidamadii Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu ciidamada faray inay u dhaqaaqaan jiidaha gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Guumeys iyo nawaaxigiisa, isaga oo sheegay inaysan cidna duullaan ku ahayn, balse looga baahan yahay inay sugaan nabadgelyada, isla markaana ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ku kacda falal xadgudub iyo nabadgelyo-darro.

Magaalada Laascaanood ayaa maalinta berri ah martigelinaysa munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyadoo caawa ay magaalada ku hoydeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo maamullada dalka.

The post Puntland oo hanjabaad culus kasoo saartay ciidankii tagay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this