Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh caawa kala hadlay isimada Waqooyi Bari? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
616809383_1351076787063457_6186713155933

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Xasan Sheekh ayaa Isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, oddayaasha dhaqanka ee uu la kulmay madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, sida lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

618506091_1351076770396792_8742814562537

616809383_1351076787063457_6186713155933

615797266_1351076837063452_3461884808708

615823394_1351076817063454_6215273169479

615161889_1351076877063448_3911649348137

The post Muxuu Xasan Sheekh caawa kala hadlay isimada Waqooyi Bari? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this