Deeq A. Posted 8 hours ago Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Jimcihii sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u soo nooleeyo dhexdhexaadinta Mareykanka ee u dhexaysa Masar iyo Itoobiya, si xal looga gaaro khilaafka mudada dheer soo jiitamayay ee salka ku haya qeybsiga biyaha webiga Niilka, kaas oo uu sii xumeeyay dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD). Dhambaal ku taariikheysan 16-ka Janaayo oo ku socday Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayuu Trump ku sheegay inuu doonayo in arrintan “hal mar la wada xalliyo.” Wuxuu ku dooday in aanay jirin dowlad si “keli ah u maamulan karta” kheyraadka Niilka, islamarkaana aanay “dhibaato u geysan karin dalalka deriska la ah.” Trump ayaa uga mahadceliyay Al-Sisi doorkii uu ku lahaa xabad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas, isagoo xusay in Masar ay dhabarka u ridatay culeysyo amni iyo mid bani’aadannimo oo culus tan iyo bishii Oktoobar 2023. Intaas kadib, Trump wuxuu u soo laabtay arrinta Niilka, isagoo sheegay in kooxdiisu ay fahamsan tahay muhiimadda dhexe ee webigu u leeyahay Masar iyo dadkeeda. Wuxuu intaas ku daray in Washington ay gacan ka geysan karto sidii heshiis loo gaari lahaa, iyadoo la adeegsanayo khubaro farsamo, wada-hadallo daah-furan, iyo door adag oo Mareykanku ku leeyahay kormeerka iyo isku-xirka dhinacyada is-haya. Trump ayaa soo bandhigay qaab-dhismeedka heshiiska oo ah in la damaanad qaado sii-deynta biyaha xilliyada abaaraha iyo sanadaha ay biyo-yaraantu jirto si loo badbaadiyo Masar iyo Suudaan, iyadoo dhanka kalena la abuurayo xaalado deggan oo Itoobiya u oggolaanaya inay dhaliso koronto “aad u badan.” Wuxuu soo jeediyay in qeyb ka mid ah korontadaas la siiyo, ama laga iibiyo, Masar iyo Suudaan. Qoraalka ayuu Trump ku xusay in xallinta xiisaddan ay tahay “mudnaanta koowaad ee ajandihiisa.” Wuxuu ka digay, rajeeyayna in muranka Biyo-xireenka (DAM!) uusan horseedin colaad milatari oo weyn oo dhex marta Masar iyo Itoobiya. Trump ayaa dhambaalkan ogeysiiyay dhowr hoggaamiye oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zaayid, Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Hoggaamiyaha Ciidamada Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan. Biyo-xireenka GERD ayaa ku yaalla Webiga Niilka Buluugga ah (Blue Nile), meel u dhow xadka Itoobiya ay la wadaagto Suudaan. Itoobiya waxay ku doodaysaa in mashruucan uu muhiim u yahay helitaanka korontada iyo horumarka dalkeeda. Masar, oo inta badan biyaheeda macaan ka hesha webiga Niilka, ayaa biyo-xireenka u aragta khatar jiritaankeeda halis ku ah haddii aan la helin sharciyo adag oo lagu maamulo buuxinta iyo ka shaqaysiinta biyo-xireenka, gaar ahaan sanadaha abaaraha. Itoobiya ayaa xarigga ka jartay biyo-xireenka bishii Siteembar 2025, waxayna sheegtay inuu gaaray awooddii ugu sarreysay ee dhalinta korontada oo dhan qiyaastii 5,150 megawatt, taas oo ka dhigaysa xarunta ugu weyn Afrika ee korontada laga dhaliyo biyaha. Wada-hadallada labada dhinac ayaa soo jiitamayay in ka badan toban sano iyadoo aan wax heshiis kama dambays ah la gaarin. Midowga Afrika ayaa dhowr jeer hoggaamiyay wareegyo wada-hadal ah, murankuna wuxuu dhowr jeer gaaray Qaramada Midoobay. Masar ayaa bishii Diisambar 2023 sheegtay in wada-hadalladii ay mar kale fashilmeen, waxayna ka digtay inay xaq u leedahay difaaca amniga biyaheeda haddii waxyeello soo gaarto. Yabooha Trump ayaa dib u soo nooleynaya dadaal fashilmay xilligii uu horey xilka u hayay, kadib markii Washington iyo Bankiga Adduunka ay martigeliyeen wada-hadallo horraantii 2020-kii, iyagoo soo saaray bayaan wadajir ah oo qeexayay meelaha la isugu imaan karo. The post TRUMP oo yaboohay in uu dhex-dhaxaadiyo Itoobiya iyo… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites