Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sacuudiga oo isbaheysi militari la dhisanaya Masar iyo Soomaaliya + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Members-of-Saudi-special-forces-march-du

Riyadh (Caasimada Online) — Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada-hadallo kula jirta dalalka Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan sameynta isbahaysi ciidan oo ujeedkiisu yahay xoojinta amniga Badda Cas. Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii kordhayo xifaaltanka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta ee ka socda Yemen iyo Geeska Afrika, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg oo soo xiganeysa ilo xog-ogaal ah oo la socda arrimahaas. 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu dhowaan u safro Sacuudiga si loo soo gabagabeeyo qodobada heshiiska la soo jeediyay. Dowladaha Riyaad, Qaahira, iyo Muqdisho weli si rasmi ah uma xaqiijin wada-hadalladan, mas’uuliyiintuna ma shaacin nooca ballanqaadyada la isku weydaarsan doono.

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli awoodaha gobolku ay ugu loolamayaan saameynta marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo isku xira Kanaalka Suweys ee waqooyiga iyo marinka Baabul Mandab ee koonfurta. Xeebta dheer ee Soomaaliya iyo u dhowaanshaheeda marinnada badaha ee muhiimka ah ayaa sare u qaaday ahmiyadeeda istiraatiijiyadeed.

Xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareertay gudaha Yemen, halkaas oo labada dal ay horey isaga kaashadeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta balse ay markii dambe ku kala aragti duwanaadeen mustaqbalka koonfurta dalkaas. 30-kii December, Sacuudiga ayaa duqeeyay magaalada dekedda ah ee Mukalla, isagoo sheegay inuu beegsaday shixnad hub ah oo ka timid Imaaraadka kuna socotay Golaha Gooni-u-goosadka Koonfurta (STC). Imaaraadka ayaa beeniyay eedeyntaas.

Duqeynta kadib, Imaaraadku wuxuu sheegay inuu ciidamadiisa ka saarayo Yemen. Sacuudiga ayaa dhankiisa xoojiyay taageerada uu siiyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, wuxuuna ballanqaaday dhaqaale horumarineed oo cusub oo la siinayo gobollada koonfureed. Dhanka kale, STC oo muddo taageero ka helayey Abu Dhabi, ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inay kala dirayaan ciidankooda. Hoggaamiyahooda, Caydaruus Al-Zubaydi, ayaa weli ah shaqsi miisaan culus ku leh dhaqdhaqaaqaas.

Saameynta xiisaddan ayaa soo gaartay Geeska Afrika. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay laaleyso heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, oo ay ku jiraan kuwa dekedaha, difaaca, iyo amniga, iyadoo ku eedeysay Abu Dhabi inay wiiqayso madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale bilaabay baaritaan ku aadan eedeymo sheegaya in hawada iyo garoomada Soomaaliya loo adeegsaday safarka “siyaasi baxsad ah” — taas oo loola jeedo wararka sheegaya in Al-Zubaydi uu sii maray dhulka Soomaaliya xilli uu ku sii jeeday Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa xiriir dhow la sameeyay maamul-goboleedyada Soomaaliya, wuxuuna maalgelin ballaaran ku sameeyay dekedaha iyo saadka. Shirkadda DP World ayaa sheegtay in howlaheeda dekedda Berbera ee Somaliland aysan saameyn ku yeelan go’aanka Muqdisho. Somaliland, Puntland, iyo Jubbaland ayaa diiday tallaabada dowladda federaalka, iyagoo muujiyay inay sii wadi doonaan la shaqeynta Abu Dhabi, taas oo sii iftiimineysa kala qeybsanaanta gudaha ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii December ee aqoonsiga maamulka Somaliland ayaa sii hurisay xiisadda, taas oo keentay cambaareyn ka timid Soomaaliya iyo dhaleeceyn kaga timid hay’adaha Afrikaanka iyo kuwa Islaamka. Arrintaas ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca Qaahira iyo Riyaad ee ku aadan isbaheysiyo amni oo cusub oo ka sameysma Gacanka Cadmeed.

Danaha Masar ayaa si weyn ugu xiran amniga Kanaalka Suweys iyo marinada Badda Cas, warbixinnada gobolkuna waxay tilmaamayaan inuu jiro iskaashi dhow oo u dhexeeya Masar iyo Sacuudiga iyadoo nidaamka gobolku uu isbedelayo.

The post Xog: Sacuudiga oo isbaheysi militari la dhisanaya Masar iyo Soomaaliya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this